Kitaabka Quduuska Ah

Boqorradii Kowaad 20:30-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Laakiinse intoodii kale Afeeq ayay u carareen oo magaaladay galeen, oo toddoba iyo labaatan kun oo nin oo ka hadhayna waxaa ku soo dhacay derbigii. Markaasaa Benhadad cararay oo magaaladuu galay isagoo ugu gudbaya qol ilaa qol.

31. Oo addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu maqalnay in boqorrada dalka Israa'iil yihiin boqorro naxariis badan, haddaba waannu ku baryaynaaye aannu joonyado guntanno, oo madaxana aannu xadhko ku duudduubanno, oo aannu boqorka dalka Israa'iil u baxno, waxaa laga yaabaa inuu naftaada badbaadiyee.

32. Sidaas daraaddeed waxay guntadeen joonyado, madaxyadana waxay ku duudduubteen xadhko, oo waxay u yimaadeen boqorkii dalka Israa'iil, oo ku yidhaahdeen, Addoonkaagii Benhadad wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye maanta i bixi. Oo isna wuxuu ku yidhi, War miyuu weli nool yahay? Isagu waa walaalkay.

33. Oo nimankiina aad bay ugu dadaaleen inay calaamad wanaagsan ka maqlaan, oo waxay ku dhaqsadeen inay qabsadaan in taasu maankiisa ku jirto iyo in kale, kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Benhadad waa walaalkaa. Isna wuxuu yidhi, Taga oo ii keena. Markaasaa Benhadad isagii u soo baxay, oo isna gaadhifaraskiisii ayuu soo fuushiyey.

34. Markaasaa Benhadad wuxuu ku yidhi, Waan kuu celinayaa magaalooyinkii aabbahay aabbahaa ka dhacay, oo waxaad Dimishaq ka samaysataa jidad sidii aabbahay Samaariya uga samaystay oo kale. Axaabna wuxuu ku yidhi, Axdiganaan kugu sii daynayaa. Sidaasuu axdi ula dhigtay, wuuna iska sii daayay.

35. Oo nin qoonkii nebiyada ka mid ah ayaa saaxiibkiis ku yidhi, War i dil, waan ku baryayaaye, taasuna waxay ahayd eray xagga Rabbiga ka yimid, laakiinse ninkii waa diiday inuu dilo.

36. Kolkaasuu ku yidhi, Adigu ma aadan addeecin Eraygii Rabbiga oo sidaas daraaddeed bal ogow haddiiba markii aad iga tagto waxaa ku dili doona libaax. Oo haddiiba markuu isagii ka tegey ayaa waxaa helay libaax, wuuna dilay isagii.

37. Oo haddana wuxuu helay nin kale, markaasuu ku yidhi, War waan ku baryayaaye i dil. Markaasaa ninkii intuu wax ku dhuftay dhaawacay.

38. Markaasaa nebigii tegey oo boqorkii ku sugay jidka agtiisa, wuuna isku beddelay calalkiisii madaxa oo uu indhaha ku qariyey.