Kitaabka Quduuska Ah

Sefanyaah 3:8-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.

9. Waayo, markaas ayaan dadyowga siin doonaa af daahir ah, si ay kulligood magaca Rabbiga ugu yeedhaan, oo ay isaga ugu adeegaan isku niyad keliya.

10. Kuwa i barya oo ah dadkayga firidhsan waxay webiyaasha Itoobiya shishadooda ka keeni doonaan qurbaankayga.

11. Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.

12. Laakiinse dhexdaada waxaan uga tegi doonaa dad dhibaataysan oo masaakiin ah, oo iyana magaca Rabbiga ayay isku hallayn doonaan.

13. Kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay xumaan ma samayn doonaan, beenna ma sheegi doonaan, oo afkoodana innaba carrab khiyaano badan lagama heli doono, waayo, iyagu wax bay quudan doonaan oo way iska jiifsan doonaan, oo waxba iyaga ma cabsiin doonaan.

14. Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.

15. Rabbigu wuxuu qaaday xukummadaadii, oo cadowgaagiina wuu tuuray. Boqorkii reer binu Israa'iil oo Rabbiga ah ayaa dhexdaada jooga, oo mar dambe shar ka baqi maysid.

16. Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu odhan doonaa, Ha cabsan, Siyoonay, yaan gacmahaagu debcin.

17. Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.

18. Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd.