Kitaabka Quduuska Ah

Boqorradii Kowaad 10:13-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, oo ayan ku jirin wixii uu Sulaymaan u siiyey sharafta boqornimadiisa, markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyadii iyo addoommadeediiba.

14. Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah,

15. oo intaasuna kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaasha, iyo boqorradii dalka Carabta oo dhan, iyo taliyayaashii waddanka.

16. Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan waaweyn oo dahab la tumay ah; oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab ah.

17. Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey saddex boqol oo gaashaan oo yaryar oo dahab la tumay ah, oo gaashaan yarba waxaa galay saddex mina oo dahab ah, markaasaa boqorku iyagii dhigay gurigii ku yiil kaynta Lubnaan.

18. Oo weliba boqorku wuxuu kaloo sameeyey carshi weyn oo foolmaroodi ah, oo wuxuu ku dahaadhay dahabkii ugu fiicnaa.

19. Carshigu wuxuu lahaa jaranjaro lix tallaabo ah, oo carshiga xaggiisa sare ee dambena way wareegsanayd; oo kursiga meeshiisa lagu fadhiisto labadeeda dhinacba waxay lahayd meelo xusullada la saarto, oo meelaha xusullada la saartana dhinacooda waxaa taagnaa laba libaax.

20. Oo jaranjaradii lixdeedii tallaabo labadooda dhinac waxaa ka taagnaa laba iyo toban libaax; oo boqortooyana saas oo kale looguma samayn.

21. Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab; gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah, oo midna lagama samayn lacag, waayo, wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.

22. Maxaa yeelay, boqorku wuxuu badda ku lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo ay la jiraan Xiiraam doonniyihiisa; oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo.

23. Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.