Kitaabka Quduuska Ah

Sharciga Kunoqoshadiisa 24:12-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Oo isagu hadduu yahay nin miskiin ah waa inaadan seexan adigoo rahaamaddiisa sii haysta,

13. laakiinse hubaal waa inaad rahaamaddiisa u celisaa markii qorraxdu dhacdo inuu dharkiisa ku seexdo oo uu kuu duceeyo, oo taasuna waxay Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa kuugu ahaanaysaa xaqnimo.

14. Waa inaadan dulmin shaqaale la kiraystay oo miskiin ah oo baahan, hadduu yahay walaalahaaga midkood ama hadduu yahay shisheeyaha dalkaaga deggan oo irdahaaga ku jira.

15. Waa inaad maalintiisa mushahaaradiisa siisaa, oo qorraxduna yay ka dhicin adoo aan siin, maxaa yeelay, isagu waa miskiin, oo mushahaaradiisa qalbiguu ku hayaa, waaba intaasoo uu Rabbiga kaaga cawdaa oo ay taasu dembi kugu noqotaaye.

16. Aabbayaasha waa inaan loo dilin carruurtooda, carruurtana waa inaan loo dilin aabbayaashood, laakiinse nin kasta waa in loo dilaa dembigiisa uu isagu falay.

17. Waa inaydaan qalloocin garta qariibka iyo agoonta, oo naag carmal ah dharkeedna waa inaydaan rahaamad u qaadan,

18. laakiinse waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu halkaas idinka soo furtay, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.

19. Oo markaad beertaada goosatid haddaad xidhmo sabuullo ah beerta ku soo dhex illowdo waa inaadan dib ugu noqon si aad u soo qaadato. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka, si uu Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu barakeeyo wixii ay gacmahaagu qabtaan oo dhan.

20. Oo markaad geedkaaga saytuunka ah midhaha ka garaacdid, mar dambe laamaha ha ku noqon. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.

21. Oo markaad midhaha ka soo urursatid beertaada canabka ah waa inaadan dib u soo xaaxaabin. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.