Kitaabka Quduuska Ah

Muujintii 21:6-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Oo wuxuu igu yidhi, Iyagu way ahaadeen. Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, iyo bilowgii iyo dhammaadka. Oo kii harraadsan waxaan hadiyad ahaan uga waraabin doonaa isha biyaha nolosha.

7. Oo kii guulaystaa wuxuu dhaxli doonaa waxyaalahan, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa Ilaah, isna wuxuu ii ahaan doonaa wiil.

8. Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacankudhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololayaan, oo taasuna waa dhimashada labaad.

9. Markaasaa waxaa yimid mid ka mid ah toddobadii malaa'igood oo haystay toddobadii fijaan oo ay ka buuxeen toddobadii belaayo ee ugu dambeeyey; oo iyana way ila hadashay, oo waxay igu tidhi, Bal kaalay halkan oo waxaan ku tusayaa aroosadda oo ah Wanka afadiisa.

10. Oo iyana waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay buur weyn oo dheer, oo waxay i tustay magaalada Yeruusaalem oo quduuska ah oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah,

11. oo magaaladii waxay lahayd ammaanta Ilaah; oo nuurkeedu wuxuu u ekaa dhagax aad u qaali ah, oo sidii dhagaxa yasbidka oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale;