Kitaabka Quduuska Ah

Boqorradii Kowaad 3:13-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Oo weliba wixii aadan i weyddiisanna waan ku siiyey oo ah maal iyo derejoba, sidaas daraaddeed boqor kula mid ahu ma jiri doono cimrigaaga oo dhan.

14. Oo haddaad ku socoto jidadkayga sidii aabbahaa Daa'uud ugu socday oo kale oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda markaas cimrigaaga waan dheerayn doonaa.

15. Markaasaa Sulaymaan toosay, oo bal eeg waxay ahayd riyo; oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu hor istaagay sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo addoommadiisii oo dhan ayuu diyaafad u sameeyey.

16. Markaasaa waxaa boqorkii u yimid oo is-hor taagay laba naagood oo dhillooyin ah.

17. Oo naagihii middood baa waxay ku tidhi, Sayidow, aniga iyo naagtanu isku guri baannu deggan nahay, oo anigu gurigaan ku umulay iyadoo joogta.

18. Oo maalintii aan umulay tii ka saddex ahayd ayay naagtanuna umushay, waannuna wada joognay, oo labadayada mooyaane cid qalaadi guriga nagulama jirin.

19. Oo naagtan ilmaheediina habeenkii buu dhintay, maxaa yeelay, iyadaa ku dul seexatay.

20. Markaasay habeenbadhkii kacday, intii anoo addoontaada ahu aan hurday, oo ilmahaygii dhinacayga ka qaadatay, oo laabta gashatay, keedii dhintayna anigay laabta ii gelisay.

21. Oo markaan subaxdii toosay oo aan damcay inaan ilmahayga nuujiyo ayaan arkay inuu dhintay, laakiinse subaxdiiba markaan u fiirsaday ayaan ogaaday inuusan ahayn wiilkaygii aan dhalay.

22. Oo naagtii kalena waxay tidhi, Saas ma aha, laakiinse kan noolu waa wiilkaygii, kan dhintayna waa wiilkaagii. Iyaduna waxay tidhi, Maya ee kan dhintay waa wiilkaagii, kan nooluna waa wiilkaygii. Oo sidaasay boqorka hortiisii ugu hadleen.

23. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Midu waxay leedahay, Kan noolu waa wiilkaygii, kan dhintayna waa wiilkaagii; tan kalena waxay leedahay, Maya, laakiinse wiilkaagii waa kan dhintay, wiilkaygiise waa kan nool.

24. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal seef ii keena. Kolkaasay boqorkii seef u keeneen.