Kitaabka Quduuska Ah

Baxniintii 30:15-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Markay Rabbiga wixiisa u bixinayaan inay nafihiinna u kafaaro gudaan, kii taajir ahu waa inaanu bixin wax nus sheqel ka badan, kii miskiin ahuna waa inaanu bixin wax nus sheqel ka yar.

16. Oo waa inaad reer binu Israa'iil ka qaaddaa lacagta kafaaraggudka ah, oo aad wax kaga qabataa hawsha taambuugga shirka, inay reer binu Israa'iil u noqoto xusuus Rabbiga hortiisa, si aad nafihiinna ugu kafaaro guddaan.

17. Markaasuu Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

18. Waxaad samaysaa berked weyso oo naxaas ah, salkeedana waxaad ka samaysaa naxaas, oo waxaad dhigtaa meel u dhexaysa taambuugga shirka iyo meesha allabariga; oo waa inaad biyo ku shubtaa, ha lagu maydho e.

19. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gacmaha iyo cagaha ku dhaqdaan:

20. oo markay gelayaan taambuugga shirka waa inay biyo ku maydhaan, yaanay dhimanine, ama markay meesha allabariga ag yimaadaan inay ka adeegaan oo ay gubaan qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo,

21. waa inay gacmaha iyo cagahaba dhaqdaan, yaanay dhimanine; oo wuxuu iyaga u noqon doonaa qaynuun weligiis ah, xataa xagga isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ka ab ka ab.

22. Oo markaasuu haddana Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,

23. Waxaad qaadataa dhir udgoon oo wacan, oo ah shan boqol oo sheqel oo ah malmal asli ah, iyo badhkiis oo qorfe macaan ah, oo ah laba boqol iyo konton sheqel, iyo laba boqol iyo konton sheqel oo ah kalamus,

24. iyo shan boqol oo sheqel oo ah kasiya, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, iyo hiin muggeed oo saliid saytuun ah.