Kitaabka Quduuska Ah

Sharciga Kunoqoshadiisa 32:30-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Haddaan Dhagaxoodii iyaga iibin, Oo aan Rabbigu iyaga gacanta u gelin, Sidee baa nin keliya kun u eryi karaa? Labase sidee bay toban kun u didin karaan?

31. Dhagaxoodu ma aha sida Dhagaxayaga. Oo xataa cadaawayaashayada qudhoodu waxaas way kala gartaan.

32. Waayo, geedcanabkoodu wuxuu ka yimid geedcanabkii Sodom, Iyo kii ku yiil beerihii Gomora. Canabkoodu waa midho sumeed, Rucubyadooduna waa qadhaadh.

33. Khamrigoodu waa jebiso waabaydeed, Iyo mariidka xun ee jilbiska.

34. Tanu sow ilama kaydsana, Iyadoo shaabadaysan oo khasnadahayga ku dhex jirta?

35. Aarsasho iyo abaalmarinba anigaa iska leh, Markay cagtoodu simbiriirixan doonto, Waayo, maalintii masiibadoodu waa dhow dahay, Oo waxyaalaha iyaga ku soo kor degi doona ayaa deddejin doona.

36. Maxaa yeelay, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa, Oo addoommadiisana wuu ka nixi doonaa, Markuu arko in xooggoodii dhammaaday, Oo aan midna ku hadhin, mid xidhan iyo mid furan toona.

37. Oo wuxuu odhan doonaa, Bal meeye ilaahyadoodii, Iyo dhagaxii ay isku halleeyeen,

38. Oo cunay baruurtii allabaryadooda, Oo cabbay khamrigii qurbaankoodii cabniinka ahaa? Haddaba ha soo kaceen, oo ha idin caawiyeen, Oo iyagu ha idin daafaceen.