Kitaabka Quduuska Ah

Sharciga Kunoqoshadiisa 30:11-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Waayo, amarkan aan maanta idinku amrayo ma aha mid aad idiinku adag, mana aha mid idinka fog.

12. Oo samadana kuma uu jiro si aad u tidhaahdaan, Bal yaa samada noo kori doona oo noo keeni doona, oo na maqashiin doona aannu amarkaas yeelnee?

13. Oo baddana kama uu shisheeyo si aad u tidhaahdaan, Bal yaa badda nooga gudbi doona oo noo keeni doona, oo na maqashiin doona, aannu amarkaas yeelnee?

14. Laakiinse eraygii waa idiin dhow yahay, wuxuuna ku jiraa afkiinna iyo qalbigiinna inaad yeeshaan.

15. Bal eega, maanta waxaan idin hor dhigay nolol iyo wanaag, iyo geeri iyo shar,

16. oo waxaan maanta idinku amrayaa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa ku socotaan, oo aad wada xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa inaad noolaataan oo badataan iyo in Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.

17. Laakiinse haddii qalbigiinnu sii jeesto, oo aad dhegaysan weydaan, laakiinse laydiin jiito inaad ilaahyo kale caabuddaan oo u adeegtaan,

18. waxaan maanta idiin caddaynayaa inaad hubaal halligmaysaan, oo cimrigiinnu ku dheeraan maayo dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad gashaan oo aad hantidaan.

19. Maanta waxaan u yeedhayaa samada iyo dhulka inay idiinku markhaati furaan, inaan idin hor dhigay nolol iyo geeri, iyo barako iyo inkaar, haddaba sidaas daraaddeed nolosha doorta idinka iyo farcankiinnuba aad noolaateene,

20. idinkoo Rabbiga Ilaahiinna ah jecel, oo codkiisa addeecaya, oo isaga sii xajista, waayo, isagu waa noloshiinna iyo dhererka cimrigiinna inaad degganaataan dalkii Rabbigu ugu dhaartay inuu siinayo awowayaashiin oo ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.