Kitaabka Quduuska Ah

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:25-35 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.

26. Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.

27. Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

28. Bal xaggee baynu u sii kacnaa? Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.

29. Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.

30. Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar,

31. iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen.

32. Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah

33. oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.

34. Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday oo intuu dhaartay ayuu yidhi,

35. Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo,