Kitaabka Quduuska Ah

Sekaryaah 8:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,

2. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaan ugu qiirooday qiiro aad u weyn, oo waxaan iyada ugu qiirooday cadho weyn.

3. Rabbigu wuxuu leeyahay, Siyoon baan ku soo noqday, oo waxaan degganaan doonaa Yeruusaalem dhexdeeda, oo Yeruusaalem waxaa lagu odhan doonaa Magaaladii runta, oo buurta Rabbiga ciidammadana waxaa lagu odhan doonaa Buurta quduuska ah.

4. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem jidadkeeda waxaa mar kale degganaan doona odayaal iyo habro, nin kasta isagoo gacanta ku haysta ushiisa cimrigiisa weynaaday daraaddiis.

5. Oo magaalada jidadkeedana waxaa ka buuxi doona wiilal iyo gabdho oo jidadka dhexdooda ku cayaaraya.

6. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?

7. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed.

8. Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.

9. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.