Kitaabka Quduuska Ah

Muujintii 18:8-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Sidaas daraaddeed maalin keliya waxaa iyada u iman doona belaayooyinkeeda, kuwaas oo ah dhimasho iyo murug iyo abaar; oo iyada kulligeed waxaa lagu gubi doonaa dab, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo iyada xukumay waa xoog badan yahay.

9. Oo boqorradii dunida oo iyada ka sinaystay oo la raaxaystay ayaa u ooyi doona oo u barooran doona markii ay arkaan qiiqa gubashadeeda,

10. iyagoo meel fog la taagan cabsida caddibaaddeeda, oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn oo Baabuloon, taasoo ah magaalada xoogga badan! Waayo, xukunkaagu saacad keliya buu ku yimid.

11. Oo baayacmushtariyadii duniduna iyaday u ooyaan oo u baroortaan, waayo, ninna hadda ka dib iibsan maayo shixnaddoodii;

12. shixnaddaas oo ah dahab, iyo lacag, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul, iyo dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo xariir, iyo dhar cas, iyo alwaax kasta oo tu'inos ah, iyo weel kasta oo foolmaroodi laga sameeyey, iyo weel kasta oo alwaax qaali ah laga sameeyey, iyo kuwa laga sameeyey naxaas, iyo bir, iyo marmar,

13. iyo qorfe, iyo xawaash, iyo uunsi, iyo barafuun, iyo foox, iyo khamri, iyo saliid, iyo bur wanaagsan, iyo sarreen, iyo lo', iyo ido, iyo fardo, iyo gaadhifardood, iyo addoommo, iyo nafaha dadka.

14. Oo midhihii naftaadu ay damacday way kaa tageen, oo waxyaalihii fiicanaa oo dhalaalayay oo dhammuna way kaa baabbe'een, oo mar dambena lama heli doono.

15. Oo baayacmushtariyadii alaabtaas lahaa oo iyada taajir ku noqday, waxay meel fog la istaagi doonaan cabsida caddibaaddeeda iyagoo ooyaya oo barooranaya;

16. oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn, tii qabi jirtay dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo dhar cas, oo ku sharraxnaan jirtay dahab, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul.

17. Waayo, maalka saas u badanu saacad keliya buu ku baabba'ay. Oo waxaa meel fog istaagay naakhude kasta, iyo mid kasta oo dhoofa, iyo ragga baxriyiinta ah, iyo in alla inta badda ka faa'iidaysata,