Kitaabka Quduuska Ah

Muujintii 17:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa waxaa timid toddobadii malaa'igood oo toddobada fijaan haystay middood, oo way ila hadashay, waxayna igu tidhi, Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa xukunka dhillada weyn oo biyaha badan ku dul fadhida,

2. taasoo boqorrada dunidu ay ka sinaysteen, oo kuwa dunida degganuna ay khamrigii sinadeeda ku sakhraameen.

3. Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees.

4. Oo naagtuna waxay qabtay dhar midabkiisu yahay casaan iyo guduud, oo waxaa kaloo ay ku sharraxnayd dahab iyo dhagaxyo qaali ah iyo luul, oo waxay gacanta ku haysatay koob dahab ah oo waxyaalihii karaahiyada ahaa ka buuxaan, kuwaas oo ahaa waxyaalihii nijaasta ahaa oo sinadeeda,

5. oo waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida.

6. Markaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay.