Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 16:8-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Sayidkiisii ayaa wakiilkii xaqa darnaa faaniyey, waayo, si caqli leh ayuu u sameeyey, waayo, wiilashii wakhtigan waxay wiilasha iftiinka kaga caqli badan yihiin waxa qarnigooda ku saabsan.

9. Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah.

10. Kan waxa u yar aamin ku ah, ayaa weliba wax badan aamin ku ah. Kan waxa u yar ku xaqdaran, ayaa waxa badanna ku xaqdaran.

11. Haddii aydnaan maalka xaqdaran aamin ku ahayn, waxa run ah yaa idinku aaminaya?

12. Haddii aydnaan wixii qof kale leeyahay aamin ku ahayn, yaa idin siinaya wixiinna?

13. Midiidinna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.

14. Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen.

15. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo.