Kitaabka Quduuska Ah

Daanyeel 9:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Sannaddii kowaad oo Daariyus kii ahaa ina Ahashwerus oo reer Maaday, oo boqorka looga dhigay boqortooyadii reer Kaldayiin,

2. sannaddii kowaad oo boqornimadiisa ayaan anigoo Daanyeel ahu kitaabbadii ka gartay intay ahaayeen sannadihii Ilaah kala hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa wakhtiga la dhammaystirayo baabbi'inta wax la baabbi'inayo Yeruusaalem, waxayna ahaayeen toddobaatan sannadood.

3. Oo waxaan wejigayga u jeediyey Sayidka Ilaah ah inaan ku doondoono tukasho iyo baryootan, anoo sooman, oo joonyado guntan, oo dambas ku fadhiya.

4. Oo Rabbiga ah Ilaahayga ayaan baryay, oo wax baan u qirtay, oo aan idhi, Sayidow, waxaad tahay Ilaaha weyn oo laga cabsado, oo axdi xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa dhawra;