Kitaabka Quduuska Ah

Daanyeel 11:27-35 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Oo labadaas boqorba qalbiyadoodu waxay ka shaqayn doonaan belaayo, oo miis keliya ayay been isugu sheegi doonaan; laakiinse ma ay hagaagi doonto; waayo, weliba ugudambaystu waxay noqon doontaa wakhtigii la xugmay.

28. Markaasuu dhulkiisii ku noqon doonaa isagoo maal badan wata, qalbigiisuna ka gees buu noqon doonaa axdiga quduuska ah; siduu doonayo ayuu yeeli doonaa oo dhulkiisuu ku noqon doonaa.

29. Wakhtigii loo xugmay ayuu noqon doonaa oo koonfurtuu iman doonaa; laakiinse wakhtiga ugu dambaysta ma noqon doono sidii kii hore,

30. waayo, doonniyaha Kitiim ayaa soo weerari doona; oo sidaas daraaddeed ayuu u quusan doonaa, oo u noqon doonaa, oo wuxuu u cadhoon doonaa axdiga quduuska ah oo siduu doonayo ayuu yeeli doonaa, oo xataa wuu noqon doonaa, wuuna u fiirsan doonaa kuwa ka taga axdiga quduuska ah.

31. Oo ciidan baa isaga la gees noqon doona, oo waxay nijaasayn doonaan meesha quduuska ah ee qalcadda leh, oo waxay qaadan doonaan qurbaanka joogtada, oo waxay qotomin doonaan waxa baas oo wax baabbi'iya.

32. Oo kuwa wax baas oo axdiga ka gees ah sameeya ayuu sasabasho ku qalloocin doonaa; laakiinse dadka Ilaahooda yaqaan way xoog badnaan doonaan, oo waxyaalo waaweyn bay samayn doonaan.

33. Oo kuwa xigmadda leh oo dadka ku dhex jira, kuwo badan bay wax bari doonaan; laakiinse maalmo badan bay ku dhici doonaan seef, iyo olol, iyo maxbuusnimo, iyo dhac.

34. Haddaba markay dhacaan baa lagu caawin doonaa caawimaad yar, laakiinse qaar badan baa iyagoo sasabanaya ku darsami doona.

35. Oo qaarkooda xigmadda leh ayaa dhici doona, si loo tijaabiyo, oo loo daahiriyo, oo loo caddeeyo, ilaa wakhtiga ugudambaysta, maxaa yeelay, waa weli wakhtigii la xugmay.