Kitaabka Quduuska Ah

Baxniintii 36:6-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Markaasaa Muuse amar bixiyey, oo waxaa xeradii oo dhan laga naadiyey inaan nin iyo naag toona wax dambe u bixin shuqulka meesha quduuska ah. Sidaas daraaddeed baa dadkii looga joojiyey si aanay wax kale u keenin.

7. Waayo, alaabtii ay haysteen waa ku filnayd in shuqulka oo dhan lagu sameeyo, wayna ka sii badnayd weliba.

8. Oo nin kasta oo xigmad leh oo iyaga ku dhex jiray oo shuqulkii qabtay wuxuu taambuuggii ka sameeyey toban daah, oo wuxuu ka sameeyey maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo keruubiim lagu daabacay.

9. Oo daah kasta dhererkiisu wuxuu ahaa siddeed iyo labaatan dhudhun, oo daah kasta ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna isku wada qiyaas bay ahaayeen.

10. Oo shan daah ayuu mid kasta midka kale ku xidhay, oo shantii daah oo kalena ayuu mid kasta midka kale ku xidhay.