Kitaabka Quduuska Ah

Baxniintii 30:16-36 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Oo waa inaad reer binu Israa'iil ka qaaddaa lacagta kafaaraggudka ah, oo aad wax kaga qabataa hawsha taambuugga shirka, inay reer binu Israa'iil u noqoto xusuus Rabbiga hortiisa, si aad nafihiinna ugu kafaaro guddaan.

17. Markaasuu Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

18. Waxaad samaysaa berked weyso oo naxaas ah, salkeedana waxaad ka samaysaa naxaas, oo waxaad dhigtaa meel u dhexaysa taambuugga shirka iyo meesha allabariga; oo waa inaad biyo ku shubtaa, ha lagu maydho e.

19. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gacmaha iyo cagaha ku dhaqdaan:

20. oo markay gelayaan taambuugga shirka waa inay biyo ku maydhaan, yaanay dhimanine, ama markay meesha allabariga ag yimaadaan inay ka adeegaan oo ay gubaan qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo,

21. waa inay gacmaha iyo cagahaba dhaqdaan, yaanay dhimanine; oo wuxuu iyaga u noqon doonaa qaynuun weligiis ah, xataa xagga isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ka ab ka ab.

22. Oo markaasuu haddana Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,

23. Waxaad qaadataa dhir udgoon oo wacan, oo ah shan boqol oo sheqel oo ah malmal asli ah, iyo badhkiis oo qorfe macaan ah, oo ah laba boqol iyo konton sheqel, iyo laba boqol iyo konton sheqel oo ah kalamus,

24. iyo shan boqol oo sheqel oo ah kasiya, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, iyo hiin muggeed oo saliid saytuun ah.

25. Oo waxaad ka samaysaa saliid lagu subkado oo quduus ah, taas oo ah cadar laysku daray sidii kan cadarsameeyaha oo kale; oo waxay noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah.

26. Oo waxaad ku subagtaa taambuugga shirka iyo sanduuqa maragga,

27. iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa,

28. iyo meesha allabariga lagu gubo iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeedaba.

29. Oo waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa, inay noqdaan kuwa ugu wada quduusan; oo wax kasta oo iyaga taabtaaba waxay noqon doonaan quduus.

30. Oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

31. Oo waa inaad la hadashaa reer binu Israa'iil oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waxay ka ab ka ab ii noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah.

32. Haddaba waa inaan dad jidhkiisa lagu shubin, ama waa inaydnaan samayn mid la mid ah, oo sideeda oo kale loo sameeyey, waayo, iyadu waa quduus, oo waxay idiin noqon doontaa quduus.

33. Oo ku alla kii taas oo kale sameeya, ama ku alla kii qof qalaad mariya, dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

34. Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad qaadataa uunsi udgoon oo ah istakte iyo onika iyo galbanum, iyagoo ah uunsi ay ku jirto beeyo saafi ah, oo miisaankooduna ha iswada le'ekaado.

35. Oo waxaad ka samaysaa foox, kaas oo loo sameeyey sida cadarsameeyuhu uu u sameeyo oo kale, oo cusbo lagu daray, oo saafi ah, quduusna ah.

36. Oo qaarkiis waa inaad tuntaa oo yaryaraysaa, oo waxaad hor dhigtaa maragga ku jira taambuugga shirka, taasoo ah meesha aan kugula kulmi doono; oo waxay idiin noqon doontaa kan ugu wada quduusan.