Kitaabka Quduuska Ah

Sharciga Kunoqoshadiisa 32:50-52 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

50. oo kolkaas ku dhimo buurta aad fuulaysid, oo dadkaagii la urur, sidii walaalkaa Haaruunba ugu dhintay Buur Xor, oo uu dadkiisii ula ururay,

51. maxaa yeelay, waad igu xadgudubteen idinkoo reer binu Israa'iil dhex jooga markaad joogteen biyihii Meriibaah oo ku taal Qaadeesh, oo cidladii Sin ku dhex taal, waayo, reer binu Israa'iil dhexdooda quduus igagama aydaan dhigin.

52. Haddaba dalka hortaadaad ka arki doontaa, laakiinse geli maysid dalka aan reer binu Israa'iil siinayo.