Kitaabka Quduuska Ah

Sharciga Kunoqoshadiisa 32:22-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha.

23. Waxaan korkooda ku tuuli doonaa belaayooyin, Oo fallaadhahaygana iyagaan ku gani doonaa.

24. Waxay ku baabbi'i doonaan gaajo, oo waxay ku guban doonaan kulayl qaxmaya Iyo halligaad qadhaadh, Oo waxaan ku diri doonaa ilkaha dugaagga, Iyo waabayda waxyaalaha ciidda ku gurguurta.

25. Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.

26. Waxaan idhi, Iyaga meel fog baan ku kala firdhin lahaa, Oo xusuustoodana dadka dhexdiisa waan ka joojin lahaa,

27. Haddaanan ka cabsanin cadowga cadhadiisa, Waaba intaasoo ay cadaawayaashoodu si xun u macaamiloodaan, Oo ay yidhaahdaan, Gacantayadii waa sarraysaa, Oo waxyaalahan oo dhan Rabbigu ma uu samayn.

28. Waayo, iyagu waa quruun aan talo lahayn, Oo innaba waxgarasho kuma jirto.

29. Bal may caqli yeeshaan, oo ay waxan gartaan, Oo bal may ka fikiraan ugu dambaystooda!

30. Haddaan Dhagaxoodii iyaga iibin, Oo aan Rabbigu iyaga gacanta u gelin, Sidee baa nin keliya kun u eryi karaa? Labase sidee bay toban kun u didin karaan?

31. Dhagaxoodu ma aha sida Dhagaxayaga. Oo xataa cadaawayaashayada qudhoodu waxaas way kala gartaan.