Kitaabka Quduuska Ah

Sharciga Kunoqoshadiisa 23:4-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. maxaa yeelay, markaad jidka soo socoteen, idinkama ay hor keenin kibis iyo biyo toona markaad Masar ka soo baxdeen, oo weliba waxay idiin soo kiraysteen Balcaam ina Becoor oo ka yimid Fetoor oo ku taal Mesobotamiya inuu idin habaaro aawadeed.

5. Habase yeeshee Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu diiday inuu Balcaam dhegaysto, laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu habaarkii idiinku beddelay duco, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin jeclaa.

6. Cimrigiinna oo dhan waa inaydaan weligiinba iyaga u doonin nabad iyo barwaaqo toona.

7. Waa inaydaan karhin mid reer Edom ah, maxaa yeelay, waa walaalkiin. Waana inaydaan karhin mid Masri ah, maxaa yeelay, dalkiisaad qariib ku ahaan jirteen.

8. Oo carruurta qarnigooda saddexaad u dhalataa ha soo galeen shirka Rabbiga.

9. Markaad cadaawayaashiinna kula baxdaan ciidanka waa inaad wax kasta oo shar ah iska jirtaan.

10. Oo hadduu idinku jiro nin aan nadiif ahayn oo habeenkii isku januubay, xerada dibadda ha uga baxo, oo waa inuusan xerada soo gelin.

11. Laakiinse markay casar gaabadkii tahay, biyo ha ku maydho, oo kolkii qorraxdu dhacdo, xerada ha soo galo.

12. Oo xerada dibaddeeda waxaad ka yeelataan meel aad u baxdaan,

13. oo hubkiinna waxaad la qaadataan taki, oo kolkaad dibadda saxaro u fadhiisataan waa inaad takida god ku qoddaan oo intaad dib u soo jeesataan wixii idinka soo baxay waa inaad ciid ku aastaan.

14. Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu xeradiinnuu dhex socdaa inuu idin samatabbixiyo oo uu cadaawayaashiinnana gacantiinna soo geliyo, oo sidaas daraaddeed xeradiinnu waa inay quduus ahaataa si uusan dhexdiinna ugu arag wax nijaas ah oo uusan idiinka sii jeesan.

15. Haddii addoon sayidkiisii ka soo cararo oo uu idiin yimaado waa inaydaan isaga sayidkiisii dib ugu celin.

16. Isagu ha idinla joogo, oo dhexdiinna ha joogo meeshuu irdihiinna middood ka doorto oo uu jecel yahay. Waa inaydaan isaga dulmin.