Kitaabka Quduuska Ah

Sharciga Kunoqoshadiisa 16:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Bisha Aabiib dhawra, oo Rabbiga Ilaahiinna ah Iiddii Kormaridda u sameeya, waayo, bisha Aabiib ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu habeennimo idinka soo bixiyey dalkii Masar.

2. Oo Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo.

3. Oo allabariga waa inaydaan kibis khamiir leh ku cunin, toddoba maalmoodse waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn oo ah kibistii dhibka, waayo, dalkii Masar degdeg baad kaga soo baxdeen. Waa inaad cimrigiinna oo dhan xusuusnaataan maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen.