Kitaabka Quduuska Ah

Sekaryaah 11:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Lubnaanay, albaabbadaada fur in dab baabbi'iyo geedahaaga kedarka ah.

2. Geed beroosh ahow, ooya, waayo, geedkii kedarka ahaa waa dhacay, maxaa yeelay, kuwii qurqurxoonaa waa la kharribay. Kuwiinna geedaha alloonka ah oo Baashaan yahow, ooya, waayo, kayntii adkayd waa dhacday.

3. Waxaa yeedhaya codkii baroortii adhijirrada! Waayo, sharaftoodii waa la kharribay! Waxaa yeedhaya codkii cida aaran libaaxyada! Waayo, kibirkii Urdun waa la kharribay.

4. Rabbiga Ilaahayga ahu wuxuu yidhi, Daaji idaha la qalayo.