Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 57:5-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.

6. Dabin bay cagahayga u diyaariyeen, Oo naftaydii baa foororsatay, Oo waxay hortayda ka qodeen god, Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)

7. Qalbigaa ii fadhiya, Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Haddaba waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan ku gabyi doonaa.

8. Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa, Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.

9. Sayidow, dadyowga dhexdooda ayaan kaaga mahadnaqi doonaa, Oo quruumaha dhexdooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.

10. Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka, Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.

11. Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.