Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 10:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay? Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?

2. Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.

3. Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay, Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.

4. Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa, Isagu waxba i weyddiisan maayo. Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.

5. Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba, Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin, Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.

6. Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo, Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.

7. Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.

8. Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto, Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon, Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.