Kitaabka Quduuska Ah

Markos 7:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kolkaasaa waxaa u soo urureen Farrisiintii iyo qaar culimmo ah oo Yeruusaalem ka yimid.

2. Goortaasay arkeen xertiisii qaarkooda oo kibis ku cunaya gacmo nijaasaysan, waxa weeye gacmo aan dhaqnayn.

3. Waayo, Farrisiinta iyo Yuhuudda oo dhammu waxba ma cunaan haddayan gacmahooda aad u dhaqin, si ay u xajiyaan xeerkii waayeellada.

4. Oo goortay suuqa ka yimaadaan waxba ma cunaan, inay maydhaan maahee. Waxyaalo badan oo kale ayaa jira oo ay heleen inay xajiyaan sida dhaqidda koobab, iyo dheriyo, iyo weelal naxaas ah, iyo miisas.

5. Markaasaa Farrisiintii iyo culimmadii weyddiiyeen oo waxay ku yidhaahdeen, Xertaadii maxay ugu socon waayeen xeerkii waayeellada, waxayse wax ku cunaan gacmo nijaasaysan?

6. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay, labawejiilayaalow, siday u qoran tahay, Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.

7. Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.

8. Idinku qaynuunkii Ilaah waad ka tagtaan, oo waxaad xajisaan xeerka dadka, sida dhaqidda dheriyada iyo koobabka, oo wax kale oo badan oo kuwaas la mid ah ayaad samaysaan.

9. Markaasuu ku yidhi, Qaynuunkii Ilaah aad baad u diiddaan inaad xeerkiinna xajisaan.

10. Waayo, Muuse wuxuu yidhi, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus; oo kan aabbihii iyo hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado.