Kitaabka Quduuska Ah

Markos 13:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Goortuu macbudka ka baxay, xertiisa midkood ayaa ku yidhi, Eeg, Macallimow, dhagaxyada iyo dhismaha siday u weyn yihiin!

2. Ciise wuxuu ku yidhi, Guryahan waaweyn ma arkaysaa? Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

3. Oo intuu Buur Saytuun fadhiistay, meel macbudka ku toosan, Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa iyo Andaros waxay keli ahaan u weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen,

4. Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan? Calaamadu maxay ahaan doontaa, goortii waxyaalahan oo dhan dhammaan u dhowaan doonaan?

5. Ciise baa u jawaabay oo bilaabay inuu ku yidhaahdo, Iska eega yaan laydin khiyaanayn.

6. Qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

7. Goortaad dagaallo maqashaan iyo dagaallo hadalhayntood ha baqanina. Waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye.

8. Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro. Waxanu waa bilowga hoogagga.

9. Laakiin iska jira. Waxaa laydiin dhiibi doonaa shirar, oo sunagogyo waa laydinku karbaashi doonaa; taliyayaal iyo boqorro hortooda ayaad daraadday u istaagi doontaan inaad markhaati u ahaataan.

10. Horta injiilka waa in lagu wacdiyo quruumaha oo dhan.

11. Oo goortii laydin wado oo laydin gacangeliyo, horta ha ka welwelina wixii aad ku hadli doontaan; laakiin wixii saacaddaas laydin siiyo, waxaas ku hadla, waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Quduuska ah.