Kitaabka Quduuska Ah

Luukos 1:3-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Sidaa darteed anigana waxaa ila wanaagsanayd inaan, anigoo tan iyo bilowgii wax walba oo dhacay aad u gartay, si hagaagsan kuugu qoro, Te'ofilosow sharaf weyn lahow,

4. inaad garatid hubniintii hadalkii lagu baray.

5. Wakhtigii Herodos ahaa boqorkii Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la odhan jiray Sakariyas, oo ka mid ahaa safkii Abiya; haweenaydiisuna waxay ka mid ahayd hablihii reer Haaruun, magaceedana waxaa la odhan jiray Elisabed.

6. Labadooduba xaq bay ku ahaayeen Ilaah hortiisa, oo qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbiga ayay eedla'aan ku socon jireen.

7. Ilmo ma ay lahayn, waayo, Elisabed madhalays bay ahayd, oo labadooduba way da'weynaayeen.

8. Waxaa dhacay, intuu shuqulkii wadaadnimadii safkiisa dartiis samaynayay Ilaah hortiisa,

9. sida caadadii wadaadnimadu u ahayd, in shuqulkiisu ahaa inuu foox shido goortuu macbudka Rabbiga galay.

10. Saacaddii fooxa ayaa dadkii badnaa oo dhammu dibadda ku tukanayeen.

11. Markaasaa waxaa isaga u soo muuqatay malaa'igtii Rabbiga oo taagnayd meeshii fooxa lagu shido midigteeda.

12. Goortuu Sakariyas arkay ayuu naxay, wuuna cabsaday.