Kitaabka Quduuska Ah

Hoosheeca 4:7-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa.

8. Iyagu waxay quutaan dembigii dadkayga, wayna jeclaystaan xumaantoodii.

9. Oo waxay ahaan doontaa in wadaadku noqdo sida dadka oo kale, oo jidadkooda waan ciqaabi doonaa, oo falimahoodana waan ka abaalmarin doonaa.

10. Wax bay cuni doonaan, kamana dhergi doonaan, way sinaysan doonaan, mana tarmi doonaan, maxaa yeelay, waxay ka tageen inay Rabbiga dhegaystaan.

11. Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan.

12. Dadkaygu waxay talo weyddiistaan waxooda qoriga ah, oo ushooduna wax bay u sheegtaa, waayo, damaca sinada ayaa iyaga qalday, oo Ilaahoodii way ka tageen sida naag ninkeeda ka dhillowda.

13. Waxay allabari ku bixiyaan buuraha dhaladooda, oo foox bay ku shidaan kuraha korkooda iyo geedaha alloon iyo libneh iyo eelaah la yidhaahdo hoostooda, maxaa yeelay, waxay leeyihiin hoos wanaagsan, haddaba gabdhihiinnu way dhilloobaan oo aroosadihiinnuna way sinaystaan.