Kitaabka Quduuska Ah

Hoosheeca 14:6-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Laamahoodu way kala bixi doonaan oo quruxdooduna waxay ahaan doontaa sidii geedka saytuunka, oo caraftooduna waxay ahaan doontaa sidii Lubnaan oo kale.

7. Oo kuwa hadhka hoos joogaana way soo noqon doonaan. Waxay u soo noolaan doonaan sida hadhuudhka oo kale, oo waxay u ubxin doonaan sida canabka oo kale. Udgoonkooduna wuxuu ahaan doonaa sida khamriga Lubnaan oo kale.

8. Reer Efrayim waxay odhan doonaan, Bal maxaa mar dambe annaga iyo sanamyo noo dhexeeya? Anna waan u jawaabay oo waan fiirin doonaa. Waxaan ahay sida geed beroosh ah oo qoyan, midhihiinna xaggaygaa laga helaa.

9. Kii xigmad lahu waxyaalahan ha fiirsado. Kii miyir lahuna ha garto. Waayo, Rabbiga jidadkiisu waa qumman yihiin, oo kuwii xaq ahuna way ku socon doonaan, laakiinse kuwa xadgudbaa way ku dhex dhici doonaan.