Kitaabka Quduuska Ah

Daanyeel 11:41-45 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

41. Wuxuu kaloo dhex geli doonaa dhulka quruxda leh, oo waddammo badan oo kalena waa la afgembiyi doonaa, laakiin waxaa gacantiisa laga samatabbixin doonaa Edom, iyo Moo'aab, iyo kuwa waaweyn oo reer Cammoon.

42. Oo haddana gacantiisuu waddammada ku fidin doonaa, oo dalka Masarna ma baxsan doono.

43. Laakiinse xoog buu u yeelan doonaa khasnadaha dahabka iyo lacagta ah, iyo waxyaalaha qaaliga ah ee Masar oo dhan. Oo weliba dadka Liibiya, iyo dadka Itoobiyana tallaabooyinkiisay daba geli doonaan.

44. Laakiinse warar bari iyo woqooyi ka yimid ayaa ka welwelin doona isaga, markaasuu isagoo aad u cadhaysan u soo bixi doonaa inuu kuwo badan baabbi'iyo oo idleeyo.

45. Oo wuxuu teendhooyinkiisii boqornimo ka taagi doonaa meel u dhaxaysa badda iyo buurta qurxoon oo quduuska ah; laakiin mar buu dhammaadkiisu iman doonaa; oo ninna ma caawin doono.