Kitaabka Quduuska Ah

Boqorradii Kowaad 3:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Sulaymaan xidhiidh la yeeshay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, oo soo kaxaystay Fircoon gabadhiisii, wuxuuna keenay magaaladii Daa'uud ilaa uu dhammeeyey dhismihii gurigiisa, iyo gurigii Ilaah, iyo derbigii Yeruusaalem ku wareegsanaa.

2. Oo dadka ayaa ku allabaryi jiray meelaha sarsare oo keliya, maxaa yeelay, ilaa wakhtigaas ma uu jirin guri magaca Ilaah loo dhisay.

3. Oo Sulaymaanna Rabbiga wuu jeclaa, oo wuxuu ku socday qaynuunnadii aabbihiis Daa'uud; laakiin meelaha sarsare ayuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray.

4. Markaasaa boqorkii Gibecoon tegey inuu ku soo allabaryo; waayo, halkaasaa ahayd meesha sare ee weyn; oo meeshaas allabariga Sulaymaan wuxuu ku bixiyey kun qurbaan oo la gubo.

5. Oo Gibecoon buu Rabbigu Sulaymaan habeennimo riyo ugu muuqday, markaasaa Ilaah ku yidhi, I weyddiiso wax aan ku siiyo.