Kitaabka Quduuska Ah

Boqorradii Kowaad 22:52-53 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

52. Oo isna wuxuu sameeyey waxa Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis maray, iyo jidkii hooyadiis martay, iyo jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad maray, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.

53. Oo isna wuxuu u adeegay Bacal, wuuna caabuday isagii, oo weliba Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iilna wuu ka xanaajiyey, sidii aabbihiis sameeyey oo kale.