Kitaabka Quduuska Ah

Baxniintii 37:8-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Keruub wuxuu ka sameeyey madax, keruubkii kalena wuxuu ka sameeyey madaxa kale; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolkii wuxuu ka wada sameeyey isku waslad.

9. Oo keruubiimtuna meel sare ayay baalashooda ka soo kala bixiyeen, oo daboolkay baalashooda ku qariyeen, wejiyadooduna way iska soo hor jeedeen; oo keruubiimta wejiyadoodu waxay ku soo jeedeen daboolka.

10. Miiskana qori qudhac ah ayuu ka sameeyey, oo dhererkiisu wuxuu ahaa laba dhudhun, ballaadhkiisuna dhudhun, sarajooggiisuna dhudhun iyo badh,

11. oo wuxuu ku dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuuna u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

12. Oo wuxuu u yeelay qar le'eg calaacal ballaadhkeed oo ku wareegsan, oo qarkiina wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wada wareegsan.

13. Oo wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah, oo wuxuu siddooyinkii ku dhejiyey afarta gees oo afarta rukun oo hoose kaga yiil.

14. Oo siddooyinku waxay ku dhowaayeen qarka, iyagoo ah meelaha laga geliyo ulaha miiska lagu qaado.

15. Oo wuxuu ulihii ka sameeyey qori qudhac ah oo ku dahaadhay dahab, si miiska loogu qaado.

16. Oo wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey alaabtii miiska saarnayd oo dhan oo ahayd suxuuntiisii, iyo malqacadihiisii, iyo maddiibadihiisii, iyo kidhliyadiisii wax laga shubo.

17. Oo wuxuu laambadda ka sameeyey dahab saafi ah, oo laambaddii waxay ahayd mid tuman, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda iyo ubaxeeduba isku waslad bay la wada ahaayeen.

18. Oo dhinacyadeeda waxaa ka baxayay lix laamood, oo saddex laamood dhinac bay kaga yiilleen, saddex laamoodna dhinaca kale ayay kaga yiilleen.

19. Oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax baa isku laan ku yiil, laanta kalena waxaa ku yiil saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax, oo lixdii laamood oo ka baxday laambaddii sidaasay wada ahaayeen.

20. Oo laambaddii waxaa ku yiil afar koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo burooyinkoodii iyo ubaxoodii,

21. oo buro waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, buro kalena waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, burona waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, oo lixda laamoodba sidaasay wada ahaayeen.

22. Oo burooyinkooda iyo laamahooduba isku waslad bay la ahaayeen: oo kulligeedna waxay ahayd isku waslad dahab la tumay oo saafi ah.

23. Oo dahab saafi ah wuxuu ka sameeyey toddobadeedii laambadood, iyo birqaabyadeedii iyo alaabteedii lagu safayn jirayba.