Kitaabka Quduuska Ah

1 Timoteyos 6:6-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Laakiin cibaadadu waa faa'iido weyn markii waxa la haysto raalli lagu yahay;

7. waayo, dunida waxba ma aynu keenin, waxbana ka qaadan kari mayno.

8. Laakiinse haddaynu haysanno dhar iyo dhuuni, way inagu filnaan doonaan.

9. Laakiin kuwa doonaya inay taajir noqdaan, waxay ku dhacaan duufsasho iyo dabin iyo damacyo badan oo nacasnimo ah waxyeellona leh, oo dadka ku hafiya baabbi'in iyo halaag.

10. Waayo, jacaylka lacagtu waa xididka xumaatooyinka oo dhan, oo qaar intay higsanayeen ayay iimaankii ka ambadeen, oo waxaa muday tiiraanyo badan.

11. Laakiinse adigu, nin yahow Ilaah, waxyaalahan ka carar; oo raac xaqnimada, iyo cibaadada, iyo iimaanka, iyo jacaylka, iyo dulqaadashada, iyo qabownimada.

12. Dagaalka wanaagsan oo iimaanka dagaallan, oo qabso nolosha weligeed ah, oo laguugu yeedhay, oo aad qirashada wanaagsan ku hor qiratay markhaatiyaal badan.