Kitaabka Quduuska Ah

Tiitos 3:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Xusuusi iyaga inay taliyayaasha iyo kuwa amarka leh ka dambeeyaan, oo ay dhego nuglaadaan, oo ay shuqul kasta oo wanaagsan diyaar u ahaadaan,

2. oo ayan ninna caayin oo noqon kuwa ilaaq badan, laakiinse dadka oo dhan roonaan iyo qaboobaan ha tuseen.

3. Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.

4. Laakiinse markii raxmaddii Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo jacaylkii uu dadka u qabay muuqdeen,

5. ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah,

6. oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay Badbaadiyeheenna ah Ciise Masiix;

7. inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla.