Kitaabka Quduuska Ah

Sharciga Kunoqoshadiisa 17:13-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Markaasay dadka oo dhammu maqli doonaan, oo cabsan doonaan, oo kibir dambena ma samayn doonaan.

14. Oo markaad gashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, oo intaad hantidaan aad dhex degtaan, haddaad istidhaahdaan, Waxaannu doonaynaa inaannu boqor u boqranno sida quruumaha hareerahayaga ku wareegsan oo kale,

15. si kastaba ha ahaatee waa inaad boqrataan kii Rabbiga Ilaahiinna ahu doorto. Oo mid aad walaalihiinna kala soo dhex baxdaan waa inaad boqrataan. Waa inaydaan shisheeye aan walaalkiin ahayn boqor ka dhigan.

16. Laakiinse isagu waa inuusan fardo badsan, oo dadkana uusan Masar dib ugu celin si uu fardo u badsado, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku yidhi, Hadda ka dib jidkaas waa inaydaan dib ugu noqon.

17. Oo naagona waa inuusan badsan si aan qalbigiisu Rabbiga uga leexan, oo lacag iyo dahabna waa inuusan aad u badsan.

18. Oo markuu carshiga boqortooyadiisa ku fadhiisto waa inuu naqil ah sharcigan kitaab kaga qoro waxa wadaaddada reer Laawi hortooda yaal,

19. oo naqilkaas waa inuu haystaa, oo waxa ku qoran waa inuu cimrigiisa oo dhan akhristaa inuu barto si uu uga cabsado Rabbiga Ilaahiisa ah inuu wada xajiyo oo yeelo erayada sharcigan iyo qaynuunnadan oo dhan,

20. si uusan qalbigiisu kor ugaga kicin walaalihiis, oo uusan amarka uga leexan xagga midigta ama xagga bidixda toona, in isaga iyo carruurtiisuba ay boqortooyada ku cimridheeraadaan reer binu Israa'iil dhexdooda.