Kitaabka Quduuska Ah

Sekaryaah 8:7-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed.

8. Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.

9. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.

10. Waayo, wakhtigaas ka hor ninna kiro ma lahayn, neefna kiro ma lahayn innaba, oo kii baxay iyo kii galay toona nabadu uma jirin cadowga daraaddiis, waayo, dadka oo dhan nin kasta waxaan ku diray deriskiisa.

11. Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.

12. Waayo, waxaa jiri doona iniintii nabadda. Geedcanabkuna canabkiisuu dhali doonaa, oo dhulkuna midhihiisuu soo bixin doonaa, oo samooyinkuna sayaxay soo deyn doonaan, oo waxaan ka dhigi doonaa in kuwa dadkan ka hadhay ay waxyaalahan oo dhan dhaxlaan.

13. Dadka dalka Yahuudahow, iyo dadka dalka Israa'iilow, sidaad quruumaha habaar ugu dhex ahaydeen ayaan idiin badbaadin doonaa, oo barako baad ku ahaan doontaan. Ha cabsanina, laakiinse gacmihiinnu xoog ha yeesheen.