Kitaabka Quduuska Ah

Sekaryaah 7:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo Boqor Daariyus sannaddiisii afraad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah maalintii afraad oo bisha sagaalaad, taasoo ah bisha Kislee'u.

2. Haddaba reer Beytel waxay soo direen Shareser iyo Regem Meleg iyo raggoodiiba inay Rabbiga baryaan,

3. iyo inay la hadlaan wadaaddadii guriga Rabbiga ciidammada, iyo nebiyadii, oo ay ku yidhaahdaan, Miyaan bisha shanaad ooyaa, oo miyaan gooni iska dhigaa sidii aan yeeli jiray sannadahan badan oo dhan?

4. Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo wuxuu igu yidhi,

5. Waxaad la hadashaa dadka dalka deggan oo dhan iyo wadaaddadaba, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad soomi jirteen oo aad barooran jirteen bisha shanaad iyo bisha toddobaad, oo ah toddobaatankan sannadood, miyaad innaba aniga ii soomi jirteen?

6. Oo markaad wax cuntaan, iyo markaad wax cabtaan, miyaydaan nafsaddiinna u cunin oo miyaydaan nafsaddiinna u cabbin?