Kitaabka Quduuska Ah

Sefanyaah 3:6-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Anigu quruumo ayaan baabbi'iyey, oo qalcadahoodiina waa baabba', oo jidadkoodiina cidla baan ka dhigay si aan ciduna u marin, oo magaalooyinkoodiina waa la dumiyey, si aan qofna u joogin oo aan cid keliyuhuna u degganaan.

7. Waxaan idhi, Sida xaqiiqada ah waad iga cabsan doontaa, oo edbin baad aqbali doontaa. Markaas hoygeedu uma uu baabbe'een sidii aan iyada u goostay. Laakiinse aroor horay keceen oo falimahoodii oo dhan way xumeeyeen.

8. Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.

9. Waayo, markaas ayaan dadyowga siin doonaa af daahir ah, si ay kulligood magaca Rabbiga ugu yeedhaan, oo ay isaga ugu adeegaan isku niyad keliya.