Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 84:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado!

2. Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa, Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool.

3. Haah, shimbirtu waxay nafsaddeeda u heshay guri, Dabafallaadhuna buul ay yaryarkeeda ku dhasho, Kaas oo ah meelaha allabarigaaga, Rabbiga ciidammadow, Boqorkaygiiyow, Ilaahaygiiyow.

4. Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan, Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.