Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 77:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.

2. Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.

3. Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa, Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)

4. Indhahaygii waad soo jeedisay, Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.

5. Waxaan ka fikiray wakhtigii hore, Iyo sannadihii waa hore ahaa.

6. Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga, Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga, Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.