Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 68:31-35 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

31. Masar waxaa ka iman doona amiirro, Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.

32. Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)

33. Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray, Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay.

34. Ilaah xoog ka sheega, Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil, Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.

35. Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado, Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal. Mahad waxaa leh Ilaah.