Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 35:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.

2. Gaashaan iyo gabbaad qaado. Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.

3. Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo, Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.

4. Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto, Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.

5. Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda, Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.

6. Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh, Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.

7. Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen, Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.