Kitaabka Quduuska Ah

Sabuurradii 106:13-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii, Oo taladiisiina ma ay sugin,

14. Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen, Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.

15. Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen, Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.

16. Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.

17. Oo dhulkiina waa kala furmay oo wuxuu liqay Daataan, Oo weliba wuxuu qariyey Abiiraam guutadiisii.

18. Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay, Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.

19. Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen, Oo waxay caabudeen sanam la shubay.

20. Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen Dibi caws daaqa ekaantiis.

21. Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa, Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,

22. Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam, Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.

23. Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa. Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay, Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in.

24. Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa, Mana ay rumaysan eraygiisii,

25. Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.

26. Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,

27. Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda, Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka.

28. Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor, Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay.