Kitaabka Quduuska Ah

Ruud 4:15-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Oo isna wuxuu kuu noqon doonaa naf-sooceliye iyo ku markaad gabowdo ku quudiya. Waayo, waxaa isaga kuu dhashay gabadhii aad soddohda u ahayd ee ku jeclayd, ee kaaga sii wanaagsan toddoba wiil.

16. Markaasaa Nimco wiilkii qaadday oo laabta ku jiifisay, oo waxay u noqotay tu xannaanaysa.

17. Markaasaa dumarkii deriska u ahaa magac u bixiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Wiil baa u dhashay Nimco, oo magiciisiina waxay u bixiyeen Coobeed; oo isagu waa Yesay aabbihiis, kii Daa'uud dhalay.

18. Haddaba kuwanu waa abtirsiinyadii Feres. Feres wuxuu dhalay Xesroon;

19. Xesroonna wuxuu dhalay Raam, Raamna wuxuu dhalay Cammiinaadaab;

20. Cammiinaadaabna wuxuu dhalay Naxshoon, Naxshoonna wuxuu dhalay Salmoon;

21. Salmoonna wuxuu dhalay Bocas, Bocasna wuxuu dhalay Coobeed;

22. Coobeedna wuxuu dhalay Yesay, Yesayna wuxuu dhalay Daa'uud.