Kitaabka Quduuska Ah

Ruud 1:19-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Sidaas daraaddeed labadoodiiba way israaceen ilaa ay yimaadeen Beytlaxam. Oo markay Beytlaxam yimaadeen, magaaladii oo dhammu waa ku soo ururtay, oo dumarkiina waxay yidhaahdeen, Tanu ma Nimco baa?

20. Oo iyana waxay iyagii ku tidhi, Ha iigu yeedhina Nimco, laakiinse waxaad iigu yeedhaan Maara; waayo, Qaadirku wuxuu iila macaamilooday si qadhaadh.

21. Anigoo buuxaan tegey, oo Rabbigu wuxuu i soo celiyey anigoo madhan. Haddaba maxaad iigu yeedhaysaan Nimco? Maxaa yeelay, Rabbigu waa igu marag furay, oo Qaadirku waa i dhibay.

22. Sidaasay Nimco iyo Ruud tii reer Moo'aab ee ay soddohda u ahaydba u noqdeen, oo waxay ka soo laabteen waddankii Moo'aab oo Beytlaxam yimaadeen markay goosashada shaciirku bilaabatay.