Kitaabka Quduuska Ah

Muujintii 21:17-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Oo waxay qiyaastay derbigeedii, oo wuxuu noqday boqol iyo afar iyo afartan dhudhun, sidii ay ahayd qiyaastii ninku, kaasoo ah malaa'ig.

18. Oo derbigeediina waxaa laga dhisay yasbid, oo magaaladuna waxay ahayd dahab saafi ah oo u eg muraayad saafi ah.

19. Oo derbigii magaalada aasaaskiisiina waxaa lagu sharraxay dhagaxyo qaali ah oo cayn kasta ah. Aasaaskii kowaad wuxuu ahaa yasbid, kii labaadna wuxuu ahaa safayr, kii saddexaadna wuxuu ahaa khalkedoon, kii afraadna wuxuu ahaa sumurud,

20. kii shanaadna wuxuu ahaa sardonug, kii lixaadna wuxuu ahaa sardiyos, kii toddobaadna wuxuu ahaa khirusolitos, kii siddeedaadna wuxuu ahaa berullos, kii sagaalaadna wuxuu ahaa tobasiyos, kii tobnaadna wuxuu ahaa khirusobrasos, kii koob iyo tobnaadna wuxuu ahaa yakintos, kii laba iyo tobnaadna wuxuu ahaa ametustos.

21. Oo laba iyo tobankii irdoodna waxay ahaayeen laba iyo toban luul, oo kii kastoo irdihii ka mid ahaaba wuxuu ahaa luul, oo magaaladii jidkeediina wuxuu ahaa dahab saafi ah oo u eg muraayad wax laga dhex arko.

22. Oo dhexdeedana macbud kuma arag; waayo, Rabbiga ah Ilaaha Qaadirkaa iyo Wanka ayaa waxay yihiin macbudkeeda.

23. Oo magaaladuna uma baahna qorrax iyo dayax toona inay dusheeda ka iftiimaan; waayo, ammaanta Ilaah ayaa iftiin u ahayd, oo laambadeeduna waa Wanka.