Kitaabka Quduuska Ah

Markos 9:8-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Dhaqsiba goortii ay hareerahooda fiiriyeen, mar dambe ma ay arkin cid kale oo iyaga la joogta Ciise keliya maahee.

9. Markay buurta ka soo degayeen, wuxuu ku amray inaanay ninna u sheegin waxay arkeen intaanu Wiilkii Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.

10. Dhexdoodii ayay hadalkii haysteen oo iska weyddiinayeen, Waa maxay ka soo sara kiciddii kuwii dhintay?

11. Markaasay waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado?

12. Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run in Eliyaas horta imanayo oo wax walba soo celinayo. Oo sidee uga qoran tahay xagga Wiilka Aadanaha inuu wax badan ku xanuunsan doono oo la nici doono?

13. Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas waa yimid, oo wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen siday uga qoran tahay.

14. Markay xertii u yimaadeen, waxay arkeen dad faro badan oo la jooga. Culimmaduna wax bay weyddiinayeen.

15. Kolkiiba dadkii badnaa markay isaga arkeen aad bay u yaabeen oo ku soo ordeen oo nabdaadiyeen.

16. Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?

17. Markaasaa dadkii badnaa midkood wuxuu ugu jawaabay, Macallimow, waxaan kuu keenay wiilkayga jinni carrab la' qaba.

18. Meel alla meeshuu ku qabtoba, wuu ridaa; markaasuu afka ka xumbeeyaa, wuuna ilka jirriqsadaa oo qallalaa. Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

19. Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga.

20. Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo laballegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya.

21. Markaasuu aabbihiis weyddiiyey, Intee buu waxan qabay? Kolkaasuu yidhi, Tan iyo yaraantiisii.

22. Marar badan wuxuu ku tuuray dab iyo biyo inuu dumiyo, laakiin haddaad wax samayn kartid, noo naxariiso oo na caawi.

23. Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaad rumaysan karaysid, wax waluba waa u suurtoobaan ka rumaysan.