Kitaabka Quduuska Ah

Markos 5:18-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Intuu doonnida fuulayay, kii jinniyada qabi jiray ayaa baryay inuu raaco.

19. Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay.

20. Kolkaasuu tegey oo bilaabay inuu Dekabolis ku naadiyo waxa weyn oo Ciise u sameeyey, oo dhammaan bay la wada yaabeen.